Kirjojen hintavertailu. Mukana 11 244 527 kirjaa ja 12 kauppaa.

Kirjahaku

Etsi kirjoja tekijän nimen, kirjan nimen tai ISBN:n perusteella.

3 kirjaa tekijältä Maxammed Gaanni

Dhabannahays

Dhabannahays

Maxammed Gaanni

Garanuug Limited
2020
pokkari
"Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weliye"-Hadraawi: GudgudeDhabannahays waa dhigane loo qoray in uu la hadlo garaadka iyo damiirka Soomaalida. Wuxuu si qotadheer u sharraxayaa qaybo ka mid ah cudurrada bulshada iyo xubnaha ugu badan ee ay saameeyaan, bukto la bixin waayayna ay ku noqdeen. Buuggu ma soo xiganayo ilo cilmiyeed toos ah marka laga reebo aayado Qur'aan ah oo uu ka hanuun qaadanayo, cutub kastana ibofur u ah, balse wuxuu ku qotomaa raacasho cilmi, dhugasho xaaladeed, iyo fahan uu qoraagu ka qaatay dhacdooyinka nololeed ee uu goobjoogga u ahaa ama uu taariikhda dhow ee Soomaalida ka ogaaday."Waa buug caqiibo leh."-Axmed Ibraahim Cawaale, qoraaga Qaylodhaan Deegaan, Dirkii Sacmaallada, iyo buugaag kale.
Al-Munqid

Al-Munqid

Maxammed Gaanni

Garanuug Limited
2023
pokkari
"Nin hali ka luntay haan gunteedna waa ka dayaa."-Maahmaah Soomaaliyeed. Al-Munqid minad Dalaal waa xogwarranka waaya-arag xaqiiqadoonnimadu meelo badan ka tuurtay, saymo badanna u galay. Imaam Qasaali waxa uu inooga warramayaa waayihiisi aqooneed iyo waxyaalihii uu kala kulmay raadinta xaqa iyo ka gungaaridda afkaarihii ku hareeraysnaa xilligaa. Waxa uu si aan gabbasho lahayn inoogu sheegayaa ku dedaalkiisi caannimada iyo magaca iyo heerkii uu gaaray, iyo sidii uu waxaas oo dhan u tuuray markii laabtiisu ku xasili wayday. Waxa uu inoo sheegayaa in uu maray marxalado halis ah oo iimaankiisiba meesha ka baxay oo uu shaki iyo gebidhac ku jiray, ka dibna Alle ka badbaadiyay. Waxa uu inoo tibaaxayaa tubtii uu ku badbaaday iyo meelihii aafadu markii horaba ka haleeshay. Waxa uu xoogga saarayaa aragtiyihii iyo kooxihii xilligaa saamaynta ku lahaa degaankiisi afartii ugu waaweynaa oo kala ah: Mutakallimiinta, Faylasuufyada, Baadiniyada, iyo Suufiyada.
MIID & Malab

MIID & Malab

Maxammed Gaanni

Looh Press
2024
pokkari
Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid oo weliba ku salaysan tii boqortooyada. Buuggaan waxa aynu ugu tegaynaa weero maahmaah noqon kara, murti gaammurtay oo qofkii u dhug yeesha ka saacidaysa in uu wanaajiyo habdhaqankiisa nafeed, bulsheed iyo siyaasadeed. Waxaa xiise gaar ah leh laba arrimood oo uu si gaara u tilmaamayo oo aan mid ku sheegi karno in qaarkeed ay soo hoos galayso waxa maanta loo yaqaanno baratakoolka oo barid iyo tababbarba loogu qaato jaamacado iyo macadyo waaweyn, qaarkeeda kalana cilmiga siyaasadda. Waxa uu ina Muqafac buuggiisaan ka ga sheekaynayaa xiriirka ka dhexeeya qofka rafiiq la noqda qof xil uun haya ama golihiisa ka tirsan, sida ay tahay in uu isu badbaadiyo, in uu booskiisa xejisto iyo in uusan marna isu dhiibin wanaag uu mar ka arkay qof xil haya oo uusan isdhigan. Sida uu sheegay Ibnil Muqafic ma ay jirto bar cayiman oo u qof xil haya abidki ka ga raalli noqdo qof u dhow, ayna tahay in uu feejignaado oo uusan isku hallayn mid kore oo deetana mid hoose uu yaso ama mid hoose uu isku halleeyo oo uu mid sare maago. Inkasta oo uusan ku guulaysan in uu naftiisa ka bixiyo qof xil haya, dardaarankiisiin uusan si buuxda ugu dhaqmin, haddana waayo-aragnimadiisii hore ee arrintaa ku saabsanayd iyo in la heer ahba waa uu inoo dhiteeyay. Laga yaabee mararka qaar in aad u aragtid in uu guulwadannimo kuu diyaarinayo, ha se ahaatee waxaa taa beddelkeeda aad ka dheehan kartaa in madaxda xilka haysa ay u dulqaadan karaan guulwade qur ah, nafsiyaddooduna aanay aqbali karin cid wax uun ku diidda, sidaa darteedna qofkii doonaya in uu maamuus joogto ah ku yeesho ay tahay in uu ugu horrayn nacamleeyo. Waxaa isla qaybtaa siyaasadda uu ku sheegaya xilka saaran xilhayaha, habka uu ula dhaqmayo shacabka, saaxiibka, iyo cadowga. Haddii ay culaabtiisu ku sii cuslaato cidda ay tahay in uu magansado ee leh culumo, indheergarad iyo ehlu sharaf, aysan badbaadaduna ku jirin soo dhawaysiga ardaallada. Tan labaadina waa waxa maanta ka sii idlaanaya dunida ee ah saaxiib aan ku dhisnayn manfac iyo danaysi, aadanaha casriguna ayba sii illaawayaan in saaxiibka ugu mudan ay tahay in uu noqdo saaxiib ah saaxiib ee aan ahayn saaxiib dani keento, dani dayriso, danina ay kaa hor keento. Saaxiib dhiig iyo dhacaan loo huro, dhaqan san iyo dhimrinna la gu dhawro, la gu la socdo, loo na sabro wixii ka yimaada ee aan loo bogin. Waxa uu inoo tilmaamayaa sida lagu xusho, kalsoonida lagu dhiso, la gu dhawro, asaga oo gebegabada inoo gu tusaalaynaya saaxiibkiisa ugu qaalisan dunida oo uusan inoo magacdhabin e, uu inoo ku sawiray sifooyin ina ku riixaya in aan ku taamno helidda saaxiib noocaas ah. Waxa uu buuggaani cashar fiican u yahay jiilka kacaamaya iyo kan sii duqoobayaba, wax badan oo hagaajinta habdhaqanka ahna waa uu ka saacidayaa.